XOG: Al-Shabaab oo diyaarinaysa weerar ka dhan ah Dekedda Garacad

Warar xaqiiqo ah oo naga soo gaaraya Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug Ayaa sheegaya In Al-Shabaab deegaankaas oo ah xudduntooda ay ka wadaan Abaabul & Hub aruursi.

Sida ay ila wareedyada sheegayaan, qorshaha Al-Shabaab waxay duulaan kusoo yihiin Garacad, oo hadda ay ka socoto Mashruuca dhismaha Dekadda.

Taariikh 02 April 2021, wuxuu Wasiir Oomaar is hortaag ku sameeyay duulimaad Diyaaradeed oo ku socday Garacad.

Duulimaadkaas waxaa saarnaa maal-galiyaal shisheeye oo rabay inay soo qiimeeyaan Dekaddaas & Deegaan Oolimadkeeda.

Qorshahan Al-Shabaab waxaa dabada ka riixaya Siyaasiin Soomaaliyeed oo siyaasadaynaya horumarka dalka, gaar ahaan xubno katirsan Villa Somalia, kuwaas oo gacan ka helaya Dowladda Qatar oo garab u ah taageerayaasha ugu waa weyn ee Argagixisada.

Weerarkaan waxba kama duwana Weerarkii Shabaab ee Garacad, Suuj & Garmaal 16 March 2016.

Ciidamada Puntland & PISA ayaa heegan buuxa galay, iyadoo Guutada Gama’Diid oo asalkeedii hore fadhigeedu ahaa Garacad muddo Sanad ku dhow ay kusii jeedaan Garacad si Cadowga is bahaystay looga difaaco dadka & dalka.

Xogtan wixii kasoo kordha dibbaan idin kala soo wadaagaynaa.