Arday ka socota Jaamacadaha Puntland oo la barayo shaqada Baarlamaanka (VIDEO)

Xarunta Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland, waxaa maanta aqoon kororsi ku saabsan Barashada shaqada Baarlamaanka uga furmay 20 arday oo wax ka barta Jaamacadda Boosaso gaar ahaan kuliyadda Culuumta Bulshada.

Ujeeddada guud ee tababarka ayaa looga gol-leeyahay xoojinta nidaamka dawladnimada, dawlad wanaaga iyo fahanka shaqada baarlamaanka.

Furitaanka aqoon-kororsiga waxaa ka soo qayb-galay hormuudka xafiiska arrimaha ardayda ee Jaamacadda Boosaso xarunteeda Garoowe, qaar ka mid ah macalimiinta Jaamacada iyo hawl-wadeeno ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaana aqoon kororsiga si rasmi ah u furay Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilladda Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame.