Shirka Madaxda Soomaalida oo dib u bilaabanaya maanta

Shirka horudhaca ah ee Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa maanta dib uga bilaabanaya Teendhada Afisyooni ee Muqdisho, kaddib markii shalay Madaxdu ay kala aadeen wadatashiyo gaar gaar ah.

Shirka oo looga hadlayo Ajandaha Shirweynaha dhameystirka heshiiskii Doorashooyinka ayaa la isku mari waayay sabtidii iyo Axadii, waxaana dood adag miiska soo saaray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, halka Farmaajo uu iska soo hormariyay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo markii dambe looga adkaaday dooda.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqay in Shirka lagu gaaro heshiis gogol xaar u noqon kara Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii September, iyagoo ku hanjabay in hadii uu fashilmo ay qaadi doonaan tallaabooyin aysan mahdin doonin.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.