Shirkii Madaxda DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo baaqday

Shirkii hordhac ahaa ee u dhaxeeyay DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhacay, iyadoo la go’aamiyay in berri oo Arbaco ah la isugu yimaado, kaddib marka uu dib ugu soo laabto Muqdisho Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo shalay safar gaaban oo degdeg ah ku tagay Dhuusamareeb.

Af-hayeenka ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani, ayaa xaqiijiyay in dib loo dhigay Shirka maanta.

“Shirkii Madaxda Soomaaliyeed uga socday Afisyooni, Kulankii saaka loo balansanaa waxaa dib loogu dhigay oo lala sugaya Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye Qooroor, oo Safar kaga soo laabanaya Dhuusamareeb” ayuu yiri Jaamac Deperani