VIDEO: Waxgaradka Puntland iyo Galmudug oo heshiis ka gaaray shaqaaqo ka dhacday Mudug

Madaxtooyada Dawlada Puntland waxaa maanta ka dhacay shir Amni oo lagu xalinayey dhacdadii 17 March ay ku dhinteen 3 nin oo reer Guuraa xoolo dhaqato ah.

Shirkaan oo ahaa kii 4aad waxaa lagu kala qaatay $ 1000 USD oo Duug ah iyo $ 1000 qorigii falka lagu fuliyey ah ninkiiba, iyadoo isla goobta lagula kala wareegay lacag cadadkeedu dhamaan $ 6’000 USD.

Waxaa kale oo lagu balamay in ninwalba laga bixiyo 100 Neef oo geel ah sida uu ilaahay ka jideeyey qofka ninka ah magtiisa, waana markii 1aad oo ay xeertaan odayaasha labada dhinac ee Goballa mudug wadda dagan.

Fulinta go’aamada lagu xalinayo dhacdadaan iyo Guud ahaan xasilinta Gobalka waxaa qaatay Maamulka labada dhinac Puntland iyo Galmudug.

Shirkaan waxaa waddada shir Guddoominayey Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug.