Puntland oo sheegtay inay gacanteeda kusoo celinayso Magaalooyinka Laascaanood iyo Ceergaabo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in Puntland ay wado qorshe dib ay ugu soo ceshanayso deegaanada ka maqan gacanteeda ee Gobalada Sool iyo Sanaag.

Wasiir Dhabancad oo ka jawaabayay su’aal lagu weydiiyay xalay barta Clubhouse, in Magaalada Ceergaabo oo kali ah ay Puntland gacanteeda ka maqan tahay marka la eego Gobalka Sanaag, uuna dhowyahay qorshihii dib loogu soo celin lahaa, halka Laascaanood ay Puntland dhowaan soo ceshan doonto.

“Gobolka Sanaag si dhammaystiran ayuu ugu jiraa gacanta Puntland marka laga reebo degmada Ceerigaabo, Ceerigaabona howsheeda waa socotaa oo waa dhammaanaysaa, sidoo kale Laascaanoodna iyada oo aan howl badan laga marin ayey dhammaanaysaa oo waa socotaa”. -Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Dhaban-cad.