Shirkii Madaxda ee Afisyooni oo fashilmay, iyo Farmaajo oo ka baxay (VIDEO)

Shirkii Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday, iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa fashilmay, kaddib markii Maxamed C/llaahi Farmaajo uu diiday inuu saxiixo waraaqda cadeynaysa inuu dhamaaday muddo-xileedkiisii, sidoo kalena Amniga Doorashada uu ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah.

Farmaajo ayaa kulanka oo socda isaga baxay, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen xubno ku sugan Afisyooni, wallow Wasiirka Warfaafinta DFS Cusmaan Dubbe uu sheegay inay Shirka fashiliyeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Sidoo kale, Puntland iyo Jubbaland ayaa goor-dhaw la hadli doona Saxaafadda, iyagoo eedeynta fashilka Shirka dusha uga tuuri doona Farmaajo.