Akhriso: Farmaajo 2 arimood baa looga fadhiyaa inuu sameeyo

Marbaa jirta aan wasiir, wiil, wadaad iyo waranle midna aan wax laga qorin warkooduna shaqeyn.

Haddii aan Farmaajo caddeyn aragtidiisa siyaasadeed iyo mowqifkiisa shakhsiga ee ku aadan arrimaha cakiran ee dalka ka jira, sidoo kalana si rasmi ah u ogolaan 2-da arrimood ee hoos ku qoran, wax walba oo dalkaan ka dhaca masuuliyadda waxaa qaadaya, lagulana xisaabtamaya Madaxwaynihii hore ee Farmaajo.

2-da arrimood,ayaa kala ah ….

  1. Farmaajo in uu si rasmi ah u caddeeyo, una ogolaado in muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday 8 Feb, 2021, oo uusan laheyn awood fulineed oo sharci ah, marka laga reebo mattalaadda sii joogista xaafiiska inta asaga ama Madaxwayne kale laga dooranayo oo ah muddo kooban oo la isla ogol yahey.
  2. In Farmaajo dhexda dhigo arrinta doorashada, sidoo kalana ogolaado in si daah-furan oo aan caad ku jirin looga heshiiyo maamulka iyo maaraynta arrimaha doorashada dalka.

M Cabdiwahaab.