Deni iyo Axmed Madoobe oo la kulmaya Wakiillada Beesha Caalamka

Kulan u dhexeeya Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la yeelanaya maanta Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadli doonaa fashilka ku yimid Shirka horudhaca ah Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada, kaas oo uu fashiliyay Farmaajo.

Wakiillada Beesha Caalamka oo xalay la kulmay Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa uga digay inay ka baxaan Muqdisho, sida uu u qorsheeyay Farmaajo, waxaana ay sheegeen in hadii ay dhaqaaqaan ay u aqoonsan doonaan Qaswadayaal.