XOG: Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe oo waji gabax kala kulmay Beesha Caalamka

Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, saacado kaddib markii Villa Soomaaliya ay shaacisay inuu fashilmay Shirkii horudhaca ahaa ee Teendhada Afisyooni.

Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe oo la weydiiyay cida fashilisay Shirka, ayaa ku eedeeyay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kaddib markii ay keeneen shuruudo cusub, sida ay hadalka u dhigeen 3 Masuul.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ka dalbaday 3 Madaxweyne inay cadeeyeen shuruudaha cusub ee ay la yimaadeen, iyagoona ku dooday inuu ka mid yahay Amniga doorashada in laga wareejiyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday, Wakiillada ayaana u sheegay in shuruudaas ay horey u qabeen Deni iyo Axmed Madoobe.

Intaas kaddib Wakiillada Beesha Caalamka ayaa u sheegay Qoorqoor, Laftagareen iyo Guudlaawe in loo baahnaa yahay inay ka xaqiiq sheegaan waxyaabaha fashiliyay Shirka, iyagoona xusay in aysan Muqdisho ka bixi karin.