Wasiir kuxigeenka Amniga Puntland oo sheegay inay kor u qaadayaan Aqaanta Ciidanka Booliska (Sawirro)

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay dardargalinta tababarada kor loogu qaadayo tayada Ciidanka Booliska Puntland.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hirgalinta Barnaamijka Tababarka Ciidanka Booliska Puntland ee xoojinta ku shaqeynta shuruucda, Barnaamijkaas oo ay Wasaaradda Amniga Puntland ka taageerayso Hay’adda UNDP, sidoo kalena socon doona muddo hal sanno ah, iyadoo ay ka faa’ideysan doonaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland.

Wasiir ku xigeenka Amniga Dowladda Puntland Cabdullaahi Cabdisalaan, ayaa sheegay in hirgalinta Barnaamijka uu ka qeyb qaadanayo sidii loo heli lahaa Boolis tayeysan, isagoona intaas ku daray inay ka go’an tahay Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland kor u qaadidda Aqoonta Ciidammada Puntland, iyadoo la raacayo hal ku dhigga Xukuumadda Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ee Tayeyn iyo Tiigsi.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Ceydiid Axmed Nuur, Guddiga Amniga Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, Saraakiil katirsan Ciidanka Booliska iyo Masuuliyiin kale.