Ciidanka Puntland oo dhoolatus kusoo bandhigay dugsiga Godod (VIDEO)

Cutubyo kamid ah Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland lo lagu wadaa in dhowaan tababar loogu soo xiro dugsiga tababarada Godod ee Gobalka Mudug, ayaa maanta soo bandhigay Dhoolatus hordhac ah.

Guddiga dib-u-habaynta Ciidanka Dowladda Puntland oo gaaray Godod, ayaa amaan u jeediyay macalimiinta gacanta ku heysa dugsiga, iyagoo sheegay in Ciidanka tababarkooda lasoo gaba-gabeynayo maalmaha soo socda.