Faallo: Maxay ka dhigneed waraaqdii Farmaajo u diray Golaha Amaanka ?

Falanqeeyayaasha Siyaasada Somalida waxay qabaan Warqada Wasaarada Arimaha dibada ay qortay ujeedkeedu in uu laba mid midkeed yahay..

1-In Farmaajo loo hanjabay runtana loo sheegay oo hada wixii loo sheegay uu samayn doono balse CBB-da baraha Bulshada marin habaabinayo.

2-In Farmaajo iyo reer galbeed kala tageen dagaalkoodana uu diyaar u yahay oo uusan wax danbe ka dhagaysan doonin kii danboo hadlaana uu dalka ka bax ku oran doono.

Labadaas qodob midkii ay noqotoba waa geeridiisa.

Farmaajo waa laga badiyay ciyaartii siyaasadeed,waana looga adkaaday dhagihii Beesha caalamka.

Sida xog ogaalka siyaasadeed tilmaamayaana haduu wax kala garanayo waxuu iska badbaadin doonaa cunaqabatayn iyo bahdil aan taariikhda ku dhicin Madaxweyne Somaliyed ee kale.

Jibril Qoobey.