Madaxweyne Deni oo ka hadlay guusha Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane H.E Said Abdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa hambalyo iyo tahniyad u diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismail Omar Guelleh oo dib loo doortay.

“Waxaan u hambalyeenaya Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loo doortay, Shacabweynaha Jabuuti iyo Dowladoodana waxaan u rajeynaya horumar wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne Geelle wuxuu door muhim ah kasoo qaatay dhismaha Dowladdnimada Soomaaliya, sida shirkii Carta iyo ka qeyb qaadashada amniga iyo garab istaaga dadka Soomaaliyeed.