Booliska Puntland oo Galmudug ku wareejiyay gaari la dhacay iyo maxaabiis (Sawirro)

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa ku wareejiyay Booliska Galmudug gaari laga soo dhacay Degmada Cadaado iyo Dadkii soo dhacay, kuwaas oo lagu qabtay kantarool magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Taliyaha hawlgalinta ciidanka ilaalada wadooyinka Ugaas Cabdulaahi Xasan ayaa ku wareejiyay Taliye kuxigeenka qeybta booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug gaadhigaan iyo maxaabiistii lagu soo qabtay.