Puntland oo mar kale ugu baaqday Farmaajo inuu yimaado miiska wada-hadalka Afisyooni

Dowladda Puntland ayaa mar kale ugu baaqday Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu soo xaadiro miiska Wada-hadalka Teendhada Afisyooni, si Dalka loogu jiheeyo doorasho loo dhan yahay.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland Abdullahi Ali Hersi Timacadde, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay Puntland weli joogto miiska Wada-hadalka Teendhada Afisyooni, isagoo ugu baaqay Farmaajo inuu yimaado miiska, si xal looga gaaro doorasho loo dhan yahay oo Dalka ka dhacda.