Qaramada Midoobay, EU, AU iyo IGAD oo digniin adag u diray Farmaajo (Akhriso)

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Qaramada Midoobey, IGAD, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa waxay walaac kaga muujiyeen is mari waaga ka tagaan doorashada, iyagoona ugu baaqay Madaxda DFS ee muddo-xileedkoodu dhamaaday iyo Dowlad Gobaleedyada inay ku laabtaan miiska Wada-hadalka.

Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD ayaa ka digay doorasho hal dhinac ama mid isbarbar socota iyo muddo kororsi ay sheegeen inay halis ku tahay xasilloonida Soomaaliya.