Shiinaha oo Tallaalka COVID-19 soo gaarsiiyay Muqdisho (VIDEO)

Diyaarad sida 200.000 oo Talaalka Covid-19 nuuca Sinopharm Vaccine oo ay dowladda China ugu deeqday Soomaaliya ayaa goordhaw soo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Drs. Fowsiyo Abikar Nuur iyo masuuliyiin kale ayaa kala wareegay agabkaan safiirka dowladda China u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian.