Jawaari “Awood uma leh Baarlamaanka inay muddo kordhin sameystaan ama Madaxweynaha u sameeyaan” (Akhriso)

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo saaray qoraal qoraal uu uga hadlayo Dastuurnimada Baarlamaanka iyo u kordhinta muddada Xil-hayniisa gogoldhig.

Qormadaan oo uu qoray guddoomiyhii hore ee golaha shacabka ayuu ku qeexay awoodaha shacabka, Barlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha JFS.

Axkaamta Dastuurka sida kumeel gaarka ah loo ansixiyey 1-dii Agoosta 2012-kii, hal qodobba ha ahaatee meel uu shabiga awood ku siiyey in Barlamaanka uu si iskiisa ah u kororsado muddada xilbayntiisa oo ka kooban kuna dhammaata muddo afar sanno ah kuma jirto.

Si la mid ah Dastuurka kuma jirto meel uu shacbiga awood uu u siiyey Barlamaanka in uu u kordhiyo muddada xilhaynta madaxweynaha JFS.

ogaalleyda caalamka ee ku takhasustay mabaa’diida dastuuriga iyo qeydooyinka dejnta dastuurrada, siiba kuwa sida gaarka ah qeydodaaray nidaamka barlamaannada iyo mabaa’diida matalaadda shacabka, waxay wadar ahaan isku raacsan yihiin in aan habayaaraatee la dhiirogelin aanan la xeerin awoodda barlamaannada siinaya in ay si iskooda ah muddada xilhaynta u korarsadaan, taas oo ku cad dastuurka.

Hey’adaha dastuuriga ah ee JFS waxaa ku habboon in ay aad u ilaaliyaan ku dhaqanka axkaamta dastuurka, kana fogaadaan wax kasta oo loo malayn karo baalmaridda dastuurka federaalka dalka.

Qormada oo aad u dheer lifaaqa hoose ka akhriso.