Sheekh Shariif “Waxaan ka digaynaa muddo kororsi loo sameeyo Farmaajo” (VIDEO)

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay magaalada Muqdisho, kaga hadlay xaalada Dalka iyo kulanka maanta la isugu yeeray Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday.

Mudane Sheekh Shariif oo ku hadlay magaca Midowga Musharrixiinta ayaa ka digay in hoggaanka dowladda Fedraalka ee waqtigiisu dhamaaday uu sameeyo muddo kororsi sharci darro ah xilli muddo xileedka dastuuriga ah ee hey’adaha dowladdu uu dhammmaaday welina la sugayo in dalka ay ka dhacdo doorasho.