VIDEO: Mursal oo ku dhawaaqay in Labo sanno loogu daray Farmaajo

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday ee DFS ayaa u codeeyay in dalka uu aado doorasho qof iyo cod ah taasoo muddo labo sano gudahood ah lagu qabto.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada ka hadleen mooshinka la horkeenay ayuu cod geliyay waxana uu sheegay in muddo 7-bil ah oo ka bilaabaneysay 1-ka November 2020 Ku siman 8-da Febaraayo 2021 xubnaha heshiiska 17-kii September 2020 galay ay dayaceen fursad lagu hirgelin karay Doorashooyinka sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shegay in 153-Xildhibaan ay joogeen golaha ayna ogolaatay 149-Mudane, waxaa ka aamusay 1-Xildhibaan halka ay diidaan 3-kale sida uu Natiijadaas ku dhawaaqay

Sidoo kale guddoomiye Mursal ayaa Guddiga madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ku wargeliyay in si buuxda awood ay ugu heystaan meelmarinta waajibaadkooda dastuuriga ee salka ku heysa qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya.