Booliska Puntland oo qabtay Askari dil ka geystay Boosaaso (VIDEO)

Ciidanka Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Askari qof shacab ah ku dilay Isniintii magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Nuur, oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta kusoo dhigeen Askariga dilay qofka shacabka ah, kaddib markii uu isaga baxsaday goobta, isagoona intaas ku daray in la horkeeni doono Cadaaladda.