Maxaa kasoo baxay kulankii maanta ee Deni, Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka ?

Kulankii Pl,Jl iyo Beesha caalamka ee saakay??

Beesha caalamka oo maanta shir la gashay Madaxweynayaasha PL iyo JL ayaa ka wada hadlay:

  1. Go’aanka sharci darrada ah ee muddo kororsiga ee Fahad, Farmajo iyo Mursal
  2. Beesha caalamka iyo Madaxda ayaa isla gartay in dib loogu laabto wadahadaladii muddo dhow
  3. Labada dhinac ayaa isla qiray in Dalku galay marxalad adag oo u baahan in meel looga soo wada jeesto
  4. Safiirada Beesha Caalamka ayaa uga mahad celiyey labada Madaxweyne samirkoodii iyo dadaaladii ay ugu jireen in la helo doorasho loo dhan yahay oo wada oggol ah
  5. Ugu dambeyntii, waxaa la isla qaatay in aan la aqbali karin go’aankii guracnaa ee shalay lagu maxlaladay magaca Baarlamanka Soomaliyeed