Puntland oo amar dul-dhigtay Masaajidada ku yaalla deegaanadeeda (Akhriso)

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo soo saartay Habraaca tukashada Salaadaha ee Masaajida ku yaala deegaanada Puntland, ayaa amartay in dadka tukunaya ay isku jirsadaan 1.5 mitir ugu yaraan, si loo yareeyo faafintaanka cudurka COVID-19.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa amartay in aan salaadaha Taraawiixda laga badin karin 30 daqiiqo, iyo in qof kasta uu xirto Af-Saab (Facemask).