Senator Bob Menendez “Saamileydda Soomaaliya waa in ay gaaraan heshiis is oggol ah”

WASHINGTON, DC - DECEMBER 03: Senate Foreign Relations Committee ranking member Sen. Robert Menendez (D-NJ) questions witnesses during a hearing about U.S.-Russia relations in the Dirksen Senate Office Building on Capitol Hill December 03, 2019 in Washington, DC. The committee heard testimony from Undersecretary of State for Political Affairs David Hale and Assistant Secretary for International Security and Nonproliferation Christopher Ford about U.S. policy toward Russia. (Photo by Chip Somodevilla/Getty Images)

Guddiga xiriirka dibadda Aqalka Sare ee waddanka Mareykanka ayaa kasoo horjeestay muddo kororsiga ay Xildhibaannada Shacabka u sameeyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka Senator Bob Menendez oo ah Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka  ayaa waxaa lagu sheegay in tallaabadaas ay curyaamineyso geedi socodka lagu baadi goobayo qabashada doorasho lagu kalsoonaan karo.

“Doorashooyinka waqtigooda dhaca waa tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda caafimaadka qabta. qorshaha muddo kordhintu waa jebinta qawaaniinta dimuqraadiyadda & halista xasilloonida Soomaaliya ayaa waxaa agu yiri’ Qoralka Sanoter-ka.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Daneeyayaasha inay gaaraan is afgarad, isla markaana la joojiyo isku dayga lagu wiiqayo wadahadalka oo ah wadada loo maro doorashooyinka lagu kalsoon yahay.

Warkan kasoo baxay Guddiga xiriirka dibadda Aqalka Sare ee waddanka Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Wakiilada Beesha Caalamka aysan weli ka hadlin Go’ankii Golaha Shacabka muddo kordhinta ugu sameeyeen Hay’adaha dowladda.