Wasiir Fiqi “Baaq ninkii loo tiirinayey inuu qoray laga tuugayo inuu sheegto”

Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa wax lala cajabo ku tilmaamay in Baarlamaan lasoo doortay ay is doortaan, Madaxweyne labo Aqal Baarlamaan ay doorteena uu doorto mar kale Hal Aqal iyo Waraaq ninkii la lahaa waa soo qoray lagu baryayo inuu sheegto Mas’uuliyadda qoraalkeeda.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Wasiir Fiqi.

Calaamadaha siyaasadeed ee aakhiru-zamaanka waxaa ka mid noqday: baaq ninkii loo tiirinayey inuu qoray laga tuugayo inuu sheegto, ka dibna taageero!.!

Waxaan isweydiin mudan; Xildhibaanada waxaa soo doortay ergo matalaysay dadweynaha uu xildhibaanku matalayo, haddana ayagii ayaa si iskood ah isku doortay muddo laba sano ah!.!

madaxweynaha waxaa doortay labada aqal ee Barlamaanka federaalka muddo 4 sano ah, haddana hal aqal oo golaha shacabka ah ayaa yiri waxaan u kordhinay laba sano!.!

Waxaan ognahay murankii sanadihii la soo dhaafay madaxweynayaasha dawlad goboleedyada qaarkood oo ku saabsanaa mudadooda Xil-haynta iyo sida ay sharcidarro ugu tilmaamaysay Villa Somalia.

Haddii sidaas uu arrinku u fudud yahay maxaa mudada sanadka ku dhow dadka iyo dalka loo xiijinayey?. tan kalase maxaa sanadaha la isugu yareeeyey oo intaas looga badsan waayey?