Dr. C/weli Gaas “Tareenka Farmaajo meesha uu taagan yahay waa in lagu joojiyaa, hadii kale..” (VIDEO)

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka Soomaaliya ahna Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa si adag uga hadlay marxalada Dalka, isagoona sheegay in Farmaajo uu Dalka u horseedayo dhib iyo dagaal sokeeye.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in tareenka Farmaajo meeshaa uu marayo lagu joojiyo, hadii kale uu tagi doono meel aan waxba laga qaban karin oo dhibaatooyin u horseeda Dalka.