Jarmalka oo si adag uga hadlay muddo kordhinta uu sameystay Farmaajo

Dowladda Jarmalka oo war ka soo saaray xaalada cakiran ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaraarka lagu ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda Federaalka uu yahay go’aan halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka.

Waxay ugu baaqeen madaxda Soomaalida inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka si heshiis looga gaadho khilaafka harreeyay hannaanka doorashada dalka.