Mareykanka oo cunaqabateyn ugu hanjabay Farmaajo iyo Mursal (Akhriso)

Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay dib ugu laabtaan wada hadalsa

“Go’aanka lagu kordhiyay muddada dowladda Federaalka ayaa wiiqeysa sii socoshada nabadda iyo amniga dalka. Waxaan ugu baaqeynaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay dib ugu laabtaan wada hadalada isla markaana ay isla meel dhigaan wadadii horey loogu mari lahaa”.

Sidoo kale, Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku nuuxnuuxsatay in haddii la isku dayo fulinta muddo kordhinta inay dib uga fiirsanayaan xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo ah mid diblomaasi iyo dhaqaale.

Waxaa ay caddeysay inay isticmaalo doonto aalad walba oo ay uga hortageyso muddo kororsiga oo ay ku jiraan cunaqabateyn, xadidaada safaro, si looga jawaabo dadaalada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida.