Mustafe Dhuxulow “Qofka kaliya ee riyooda isagoo soo Jeeda waa Farmaajo”

Musharax Madaxweyne Mustafa Dhuxulow, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Farmaajo yahay qofka kaliya ee isaga oo soo jeeda riyooda.

Halkaan Hoose Akhriso qoraal Mustafe Dhuxulow.

Nin baa wuxuu nooga sheekeeyay qiso ku dhacday nin muqallas ahaa Waqti dadka Soomaalidu aad qurbaha u jeclaayeen.

Nin muqallas ah ayaa waxaa u timid hooyo Soomaaliyeed oo caruur wadata, waxey tiri dal hebel ayaan VISA ka rabnaa weyna isku af garteen.

wuxuuna u waday Safaaraddi, mana ahan wax laga yaqaan safaaraddaas dhaqan noocaas ah .

Wuxuu yiri banaanka igu sug, isagina Receptionka ayuu galay isagoo Applications iyo Passports wada, daqiiqada kadib ninki oo Security ga Safaaraddu kor u sidaan laguna qeylinayo ayaa arkay hooyadi iyo caruurti oo u fiirinaya si naxdin leh, Markaasuu qoslay wuxuu yiri waan soo dhameeyay ee warkaas farxadda leh caruurta u sheeg.

Farmaajo talada dalka markuu god ku riday uu geeyay Washigton, New York iyo Brussles ayuu leeyahay talada dalka ayaan gacanta shacabka ku soo celiyay.

Qofka kaliya ee riyooda isagoo soo Jeeda waa Farmaajo