Mareykanka oo Safiir cusub u soo magacaabay Soomaaliya, maxaan ka naqaanaa ?

Dowladda Mareykanka ayaa Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo  Larry Edward André Jr., waxaana uu bedelo doonaa Safiirka waqtigu ka dhamaaday Donald Yamamoto, sida uu baahisay CNN.

Danjire Larry Edward oo la filayo in todobaadka soo socda lagu dhawaaqo ayaa horey u ahaa Safiirka Mareykanka ee Dalka Jabuuti, waxaana muddo 30 sanno ka badan u kasoo shaqeynayay dublamaasiyadda.

Magacaabista Safiirka cusub ayaa imaanaya xilli xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya cakiran tahay, sidoo kalena Mareykanka uu ugu hanjabay Farmaajo iyo xubnaha la socda ee Wadanka qasaya inuu cunaqabateyn iyo xayiraad safarada ah saari doono.

Idilnews