Muxuu ka dhigan yahay kulanka Balal Cusmaan la yeeshay Safiirka Ruushka ? (Sawirro)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Balal Cusmaan, sidoo kalena ku beel ah Maxamed Farmaajo ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmay Safiirka Ruushka u qaabilsan Somalia iyo Jabuuti Michail Golovnov. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Arrintan ayaa u muuqata mid dowladda Soomaaliya uga jawaabeyso hanjabaadii Mareykanka, isla markaana farriin ugu direyso, haddii Mareykanka xiriirka u jaro inay soo dhoweysaneyso Ruushka, maadaama Ruush iyo Mareykanka ay yihiin labo quwadood oo iska soo horjeedo.

Farmaajo ayaa u muuqda inuu gabalkiisu dhacay, iskuna bedelaya Hoggaamiye kooxeed, waxaana haatan dalku uu galay xaalad adag, iyadoo Ciidammo badan ay musharixiintu keensadeen Muqdisho.