XOG CUSUB: Wasiir Oomaar oo xilka ku waayay Amar uu ka diiday Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha xilka sii-haya ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Axaddii xilalka u kala badalay laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya kadib dalab ka yimid Madaxweynaha muddo xileedkisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu tixgeliyay.

Duraan Axmed Faarax oo ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo wareejiyay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, halka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo ahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada loo bedelay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Oomaar ayaa qoraal uu habeenkii Isniinta soo dhigay bartiisa facebook ku diiday xilka cusub ee loo magacaabay.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews in Wasiirkii Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Oomaar Wasaaradda looga qaaday kaddib markii isaga iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ay isku fahmi waayeen dalab lasoo hor dhigay.

Farmaajo ayaa amray Wasiirkii hore ee Gaadiidka iyo Duulista Hawada Oomaar inuu qoro warqad siyaasiyiinta mucaaradka looga mamnuucayo inay ka dhoofaan kana soo dagaan Garoonka Aadan Cadde International, warqadaasna uu u diro Maareeyaha Garoonka.

Wasiir Oomaar ayaa dalabka Farmaajo iska diiday isagoo taas sabab u dhigay in dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana ay beesha Caalamka isha ku heyso xaaladaha dalka, sidoo kalana uusan u bareeri karin in caburin noocaan ah dalka la geliyo.