Axmed Karaash oo baaq kasoo saaray Colaad ka taagan Gobalka Sool

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay xiisad ka taagan Gobolka Sool ayaa ku baaqay in shuruud la’aan la joojiyo Coladda ka taagan Deegaanka Dhabar-Dalool.

Madaxweyne Axmed Karaash ayaa waxgaradka ugu baaqay in ay qaataan kaalintooda mas’uuliyadeed isla markaana ay u istaagaan sidii looga hortagi lahaa dagaal dhexmara dhinacyada abaabulka ku howlan sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Dhabar-Dalool ee gobolka Sool inay si shuruud la’aan ah u joojiyaan gulufka colaadeed ee ka taagan halkaas, lagana wada shaqayeeyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa dhibaatada soo noqnoqotay ee sababtay dhimashada iyo dhawaacaba” sidaasi waxaa yiri Axmed Karaan.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waa wax aad looga xumaado in iyadoo lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan la daadiyo dhiig qof Muslim ah oo sooman, taas oo ah ficil ka baxsan diinteena suuban”.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa baaqiisa nabadeed kusoo xiray: “Waxaan ugu baaqayaa Isimmada, culimada, aqoonyahanada, dhallinyarada, haweenka iyo cid walba oo wax ka geysan karta sidii loo damin lahaa dhibaatadaas in ay kaalintooda nabadeed ka qaataan”.