Wasiirka Waxbarashada Puntland oo baaq u diray Arday galaysa Imtixaanaadka shahaadiga ah (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan, oo safar ku marayay Gobolka Mudug, ayaa kormeeray School-ka Omar Samantar ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo qeybo kamid ah lagu sameeyay dayactir.

Wasiirka ayaa ardayda kula dar-daarmay in ay kordhiyaan dadaalka waxbarashada, maadaama uu soo dhowyahay wakhtigii la qaadi-lahaa imtixaankii guud ee Puntland.

Idilnews