Axmed Madoobe “Farmaajo waa kali-talis daciif ah, oo ka tusaala qaadan Afwerki” (VIDEO)

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa sheegay in Farmaajo uu dalka ku wado god mafdow, isagoona ugu baaqay Waxgaradka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii la isaga qaban lahaa.

“Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday iyo Hay’adaha uu wato ee cam-camiska ku wataa Soomaaliya god bay ku ridayaan, hadaana maanta la iska qabana Wadankan dib buu u noqonayaa” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.