DEG-DEG: Beesha Caalamka oo labo qodob hordhigtay Farmaajo, iyo Shir ka socda Afisyooni

Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa kulan ku leh Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Xerada Xalane ee Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Wakiillada Beesha Caalamka ay hordhigayaan Farmaajo Labo Arrimood, kuwaas oo kala ah

*In uu  doorasho loo dhan yahay dalka ka qabto 4 bilood gudahood, isagoo Heshiis deg deg ah ka galaya Madaxda Dowlad Gobaleedyada.

*In uu is-casilo, oo baneeyo Madaxtooyada lana dhiso Dowlad KMG ah oo Dalka doorasho uga qabata bilo gudahood.

Idil Television