Faallo: Is Warreysigii Farmaajo maxaa laga fahmi karaa ?

Madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday 8-dii February Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa bixiyay warreysi uu ku difaacayo mowqifkiisa ah federaal duminta, waxaana ku soo koobayaa qodobbadaan soo socda.

1-Warreysigu wuxuu fal-celis ka yahay kii uu madaxweyne Deni maalmo ka hor siiyay warbaahinta, waxay ka simanyihiin in ay adeegsadeen “New Media” warbaahinta cusub, oo lama adeegsan warbaahinta fogaal-aragga ah (TV) amaseba, warbaahinta dowladda, waana arrin daaran saamaynta ay yeelan karto warbaahinta cusub.

2-Warreysigu wuxuu u ekaa mid ay soo diyaarisay “Villa Soomaaliya” marka laga fiiriyo dhinaca weeydiimaha iyo warcelinnada iyo wariyaha oo aan ahayn wariye dhex dhexaad ah!

3-Nuxurka warreysigu wuxuu xambaarsanaa fikradda Madaxweyne Farmaajo aaminsanyahay ee ah: federaal dumin.

4- Ujeedka laga lahaa warreysigaan wuxuu ahaa mid daaran in dadka la sii marin-habaaiyo, oo loo tusay bulshada in madaxda Puntland iyo Jubbaland ay yihiin shisheeye la socod, waana been uu rabo Farmaajo in uu ku qariyo qaran-dumisnimadiisa iyo la darirka nidaamka Federaalka ah.

5- Inta badan Farmaajo ma jecla in dadku ogaadaan shakhsiyadda dhabta ah ee uu leeyahay, wuxuu jecelyahay inuu ahaada ruux hadoodila, oo ayan dadku si dhaba u akhriyi karin!

6- Madaxweyne farmaajo inta badan ma jecla in uu warreysiyo bixiyo; waxaana u sabab ah labo arrin; oo ta koowaad tahay in ayan dadku si fiican u baran; ta labaadna waa isagoo ah: afgarooc aftahamadu ka maqantahay, xitaa Af-Soomaaliga ma sixi karo, luuqadda Englishka ah ayaa ku badan warreysiyadiisa kooban uu kani u dambeeyay, wuxuu xitaa isku qalday isagoo madaxweyne soo noqday “Xuduud iyo Soohdin” wuxuu yiri:“Soohdinta inoo dhaxeysa innaga iyo Kenya” Soohdin waa dal gudihii, kuwa dibadda waa “Xuduud”.

W/Q: Ashkir Nuur, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland.