Farmaajo oo dalbaday la kulanka Midowga Musharixiinta (Sawirro)

Madaxweynayaashi hore ee dalka, Madaxweynaha Hirshabelle, Musharax Madaxweyne C/qaadir Cosoble iyo Senator Muuse Suudi oo ku kulmay hoyga Xasan Sheekh ee Mirinaayada ayaa ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, dhaq dhaqaaqyada ka socda Caasimadda Muqdisho iyo arrinta muddo kordhinta.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa gaarsiiyay Madaxweynayaashii hore farriin uu ka waday Madaxweyne Farmaajo oo ahaa codsi ku saabsan inuu la kulmo Midowga Musharraxiinta, si ay uga wada hadlaan xaalada taagan.

Qaar ka mid ah Musharaxiinta oo durba warkan gaaray ayaa laga soo xigtay in aysan aqbaleyn kulanka Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday.

Caawa ayaa la filayaa in Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ay wadajir dalabkaas ugu gudbiyaan Musharaxiinta.