Golaha Siyaasadda KMG ah ee Suudaan oo isku raacay maxkamadeeynta Al-Bashiir

Shaki kuma jiro in Faylka maxkamadeynta Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Suudaan, Cumar  Xasan Al Bashiir, ee horyaalay Maxkamada Caalamiga ee Dambiyada uu ahaa mid kamid ah caqabado muddo dheer horyaalay dalka Suudaan.

In kastoo arrinkani wali uu mugdi ku jiran, madaxa Golaha Siyaasadda Ku meel gaarka ah ee Suudaan, Cabdul Fitaax Burhan, ayaa shaaca ka qaaday wareysi dheer oo uu siiyay TV-ga Al-Xadath, Jimcihii, in ay hayaan macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Maxkamadeeynta Al Bashiir.

Burhan ayaa carrabka ku adkayay in Suudaan ay heshiis ku tahay arrinta maxkamadeynta madaxweynihii hore, balse waxuu intaa ku daray in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada aysan wali dalbanin in loo gacangeliyo Al Bashiir.

Madaxweynahii hore ee Suudaan, ayaa horay loogu  eedeyay dambiyo ka dhan ah aadanaha iyo xasuuq la xiriira colaaddii Daarfuur, laakiin mid ka mid ah qareennadiisa ayaa shaaciyay in Al Bashiir uu marnaba  la macaamili doonin Maxkamada Caalamiga ah ee Dambiyada, isagoo xusay in garsoorka Suudaan uu awood u leeyahay maxkamadeeyntiisa.

Sanadahii 2008, 2009 iyo 2010, Maxkamadda Caalamiga ah waxay soo saartay waaran qabasho ah oo Cumar Al Bashiir, iyo tiro ka mid ah gacan yarayaashiisa lagu horkeenaayo Maxkamada Caalamiga ah.