Madaxweyne Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland, Luna dhawaaqaya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa in maanta oo ah uu hortago Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, si uu Warbixin uga siiyo xaalada cakiran ee Dalka iyo kulamadii uu Muqdisho uga qeybgalay.

Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday kulamo uu la yeelanaya Golaha Xukuumadda Puntland, Siyaasiyiinta, Isimada dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee haldoorka deegaanada Puntland, si uu la tashiyo ula sameeyo.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu Mowqifka iyo go’aan marxalada cusub ee dalku galay uu uga dhawaaqo Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmo ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe, kaddib muddo bil ah oo uu ku sugnaa Muqdisho oo uu joogay wada-hadalada dhameystirka heshiiskii Doorashooyinka oo uu fashiliyay, sidoo kalena muddo kordhin uu sameystay.