Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni iyo Baarlamaanka Puntland ? (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta hortagay Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland.

Kulanka oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-Xigeenka koowaad Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha Wakiilada la qaadanaya xogwareysi iyo wadatashi ku saabsan xaaladda dalku marayo iyo mowqifka Dowladda Puntland ee ku aadan muddo kordhinta sharci darada ah ee uu sameystay Madaxweynihii DFS ee Wakhtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.