Maxaa kasoo baxay kulankii Sheekh Shariif iyo Gen. Odawaa ?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay waxaa uu kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage.

Kulanka oo ka dhacay Hoysga Sheekh Shariiif ayaa ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen, waxaa looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee xilligaan ka taagan dalka.

Wararka laga helay kulanka ayaa waxaa ay sheegayaan in siwyen looga hadlay dooda ka dhalatay muddo kororsiga, isla markaana Sheekh Shariif uu ka dalbaday taliyaha xoogga in  aan Ciidamada loo adeegsan dano gaar ah oo siyaasadeed.

Sheikh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu arrimo siyaasadeed u adeegsaday Ciidamada, isla markaana uu ku weeraray dadka ka aragtida duwan.