Agaasimaha HRW “Farmaajo wuxuu qaaday wadada Asias Afwerki oo ay yihiin xulufo dhow”

Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch Kenneth Roth, ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay fariin qoraal ah oo uu ku muujinayo in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku dayanyo madaxweynaha dalka Erateriya Isaias Afwerkioo muddo badan xukunka haya.

“Layaab malahan in madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ay Galaha Shacabku u sameeyaan muddo kordhin hal dhinac ah oo laba sano ah xili uu u muuqdo inuu qaadayo wadada madaxweynaha dalka Eratariya Isaias Afwerki isla markaana xukunka haya muddo dheer kaas oo bilooyinkii ugu dambeyay ay noqdeen xulufo aad isugu dhow” ayuu ku yiri qoraalkiisa Kenneth Roth.

Hadalka Agaasimaha Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa imaanaya xili wadamada beesha caalamku ay siyaabo kala duwan uga hadleen arrinta muddo kordhinta, kana soo horjeesteen.