Farmaajo oo ka dhoofaya Muqdisho, halkee u socdaalaya ?

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu u amba-baxo socdaal Dibedda saacadaha soo socda, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo u duuli doono Dalka Koonfur Africa, iyadoona diyaarad gaar ay ka qaadi doonto Garoonka diyaaradaha aadan Cadde ee Muqdisho.

Lama oga ujeedada safarka Farmaajo ee Dalka Koonfur Africa, waxaana uu kusoo beegmaya xilli uu muddo-xileedkiisu dhamaaday, sidoo kalena muddo kororsi sharci darro ah ay u sameeyeen garab kamid ah Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday.