Madaxweynaha Puntland “Prof. Gaandi wuxuu door muhim ah ka geystay dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Marxuum Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, oo maanta ku geeryooday Dalka France.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Prof. Gaandi uu ahaa tiir muhiim ah oo ka baxay Dadka Soomaaliyeed, oo kaalin ku lahaa Tacliinta dalka, sidoo kalena wax badan ka ogaa sooyaalka Soomaaliya.

“AHUN Prof Gaandi waxaan u lahaa aqoon fiican, waan isla soo kornay marna waxaan ka wada tirsanayn Baarlamaanka DFS, wuxuu kaalin muhim ah kulaha tacliinta dalka isagoo ahaa shakhsi waxbadan ka og sooyaalka iyo taariikhda dadka Soomaaliyeed.”

“Marxuumku door muhim ah ayuu ka geystay dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed, maraaxishii kala duwanaa ee ay soo martay iyo hirgelinta nidaamka Federaalka isagoo ka mid ahaa Siyaasiyiintii ugu horeeyay ee u istaagay dhismaha Jubbaland.”

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyntii yiri “Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeeynaya qoyskii, eheladiisii iyo asxaabtiisii, murxuumka alle janadii ha geeyo ehelkiisana samir iyo iimaan alle ha kasiiyo Aamiin.”