Mareykanka oo Soomaaliya kusoo ceshay Saraakiil uu horey ugala baxay

Saraakiil ka tirsan Tababarayaasha mareykanka ee Ciidamada DANAB ee xoogga dalka Soomaliyeed ayaa waxaa ay db ugu soo laabteen Xerada Tababarada Ciidamada eek u taal Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiishaan oo dalka ka baxay kadib markii uu amarkaasi bixiyay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa haatan dib ugu soo laabtay si ay u bilaabaan tababarka ay siiyaan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB.

Qaar kamid ah Saraakiisha Mareykanka oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Dana bee ku sugan Xerada Balli-doogle ayaa waxaa ay u sheegeen in Mareykanka uu garan taagan yahay Bulshada Somaaliyeed, isla markaana halkan ay ksii wadi doonaan taageerada ay Siiyaan Ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay saraakiishu sheegeen inay kordhin doonaan tababarada Ciidamada DANAB oo hakad galay bilihii la soo dhaafay kadib markii Saraakiisha Mareykanka ay fariisin ka sameysteen dalalka Kenya iyo jabuuti.

Saraakiisha Ciidamada Mareykanka eek u sugan Soomaaliya ayaa waxaa ay tababaro siiyaan Ciidamada Kumaandooska DANAB, waxaana mararka qaar ay ka qeyb qaataan howlgallada dhinaca cirka ah oo lala beegsado Al-Shabaab.