Midowga Musharixiinta oo iska diiday la kulanka Farmaajo

Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ahaa codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo Musharaxiinta.

Ilo ku dhow dhow shirka ka socda guriga Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegaya inuu isaga soo baxay C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen, halka markii hore laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan muddo kordhinta labada sano oo wixii ay kala soo kulmeen Farmaajo ka sheegaan shirka maalinta Isniinta.