XOG-WARAN: MAXAA KA QALDAMAY GALMUDUG, KOONFUR GALBEED IYO HIRSHABEELLE ?

Sida laga warqabo waxaa Caalamku Mogadisho isugu keenay bilawgii sanadkaan dhamaan Dawlad Goboleedyada iyo Dawlada Federaalka ah ka dib markii ay ku heshiin waayeen inay xaliyaan khilaafka ragaadiyey habkii iyo hanaankii loo qaban lahaa doorashada. Dawlada Federaalka ah ka sokow waxaa soo xaadiray Dawlad Goboleedka Puntland, Dawlad Goboleedka Jubbaland, Dawlad Goboleedka Galmudug, Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dawlad Goboleedka Hirshabeelle. Waxaa isaguna tira-buuxis ahaan u joogay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Farmaajo tirada ku buuxsaday laakiin aan meesha boos siyaasadeed ku lahayn.

Waxaa xusid mudan in xulufaysi aragti ku salaysani ka bilowday shirka kaas oo ahaa Saciid Cabdullahi Deni iyo Ahmed Madoobe oo dhinac ah iyo Farmaajo oo dhinac ula leexday Lafta Gareen, Qoorqoor iyo Guudlawe. Raggaasi lixda ahi waxay ahaayeen kuwa uu ka go’o masiirka ummada Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan in miiska siyaasadeed ay ka maqan yihiin Gobolada Waqooyi Galbeed oo sheegta inay gaar u taagan yihiin welise ah MAQANAHA JOOGA. In kasta oo ay Dawlada Mogadisho ku jiraan hadana badankood doorkoodu ma dhaafsiisna inay madaxweynaha markaas jooga toos ula safan yihiin.

Dhinaca abla-ablaynta waxaa lama filaan ahayd oo aan loo joogin in Farmaajo oo loo arkayey keligii taliye raba in aanu kursiga ka degayn sinaba, kana qaybgelayn doorasho aanu hubin inuu ku shubanayo uu kaxaystay rag intaas looga hanweynaa dhinacna lagu tirinaayey.

Waxaa la yaab noqotay in xubnihii lagu tirinayey dhinaca mucaaradka oo ay ka mid yihiin Qoorqoor iyo Guudlaawe ay mareen dhinaca Farmaajo. Taageerada Farmaajo kuma imaan mabda’ balse waxay la xiriirtay doorkii uu ka qaatay soo bixitaankoodii hore. Waxaa iyaga weheliyey Lafta Gareen oo la ogyahay isaga naftiisu uu ku yimid qaab xaqdara ah oo lagu dulmiyey Roobow Abu Mansuur. Roobow wuxuu ahaa ninkii kula tartamayey jagada Madaxweynanimada Koonfur Galbeed Lafta Gareen. Nasiib daro, dharaar cad ayaa la weeraray sida la sheegayna dad badan ayaa dartiis loo laayey, ka dibna xabsiga ayaa la dhigay Roobow ilaa hadana lama oga meel uu ku dambeeyey iyo inuu nool yahay iyo in kale. Taas ayaa sida la sheegay keentay in Lafta Gareen u dhega nuglaado Farmaajo diidina karin tala kasta oo Farmaajo soo jeediyo. Intaas waxaa dheer inay soo baxday in sida loola xaallay Roobow ay ka timid Fahad Yassiin kana sal ballaaran tahay rabitaanka Farmajo. (Daawo barnaamijka Ha Noolaato ee Waraysiga Wasiirkii Gaashaandhiga qaybtiisa #2aad).

Qoorqoor iyo Guudlaawe

Su’aasha meesha ku jirta waxay tahay iyada oo maskaxda lagu hayo geedi-socodka siyaasada Soomaaliyeed ee xilligaan sidee Qoor-qoor iyo Guudlaawe ugu gacan galeen Farmaajo oo uga soo horjeesteen kuwii hiilka siyaasadeed ka filanayey? Waxaa jira laba qodob oo is-dulsaaran oo dadka siyaasada indha-indheeyaa ay aaminsan yihiin. Haddii labadaan Dawlad Goboleed dib loo eego waxaad arkaysaa in labadii Madaxweyne ee ka horreeyey Qoorqoor iyo Guudlaawe oo kala ahaa Awaare iyo Axmad Cabdullahi Xaaf ay ahaayeen rag siyaasada u bisil, nabad doona ah, xilligoodina wax badan qabtay iyada oo ay weliba haysteen caqabada badan oo dhinacyo kala duwan kagama imanaayey.

Si kasta ha ahaatee, waxaa si degdeg ah lagaga faramaroojiyey Xaaf gacan ku hayntii Galmudug fartana waxaa laga la saaray Ahmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo madaxtooyada Xamar laga soo halgaaday isaga oo sida la sheegay xambaarsan dollarkii qadar (Qadar dollars).

Dhinaca kale, Hirshabeelle, sida la sheegay, waxaa Xamar laga soo diray ilaa 9 masuul oo dawlada Federaalka ka tirsan si ay u xaqiijiyaan in kursiga Hirshabeelle lagu fadhiisiyo Guudlaawe oo ahaa nin uu Farmaajo Xamar ku soo canqariyey kuna gardaadiyey. Labada oday ee laga takhalusay waxay ahaayeen niman qaangaara oo aan si sahlan lagu maamuli karin taas ayayna masuuliyadoodii ku waayeen weliba si rasan.

Guudlaawe iyo Qoorqoor dhabada ay qaadeen iyo sida lagu doortay maahayn mid waafaqsan hanaanka dhismaha dawladeed ee ka jira Dawlad Goboleedyada. Dhismaha Dawlad Goboledyadu wuxuu ku salaysan yahay in qofka ka soo baxaya Dawlad Goboleedka uu noqdo qof Dawlad goboleedka uu doonayo inuu hogaamiyo lagu soo gardaadiyey ugu yaraana garanaya lahjada siyaasadeed ee meeshaas lagaga hadlo si uu ula jaanqaado geedi socodka siyaasadeed ee mandiqadaas, isla markaasna leh xirfada hogaamineed ee looga baahan yahay.

Hadaba su’aasho waxa weeye, maxaa siyaasiyiinta Xamar degan oo hantida haysta, galaan galka siyaasadeedna lagu tuhmayey diiradoodu u qaban weyday meel ka baxsan Degmooyinka Banaadir ka kooban tahay? Siday sheegayaan dad u faradhuudhuuban su’aashaan waxaa dhab ah in siyaasiyiinta Muqdisho aanay fahmin miisaanka siyaasadeed ee Dawlad Goboleedyadu leeyihiin waxaana arrintaas uga faradhuudhuubnaa ugana xog ogaalsanaa Farmaajo iyo Fahad. Cilada kale ee jirtay labada dhinacba waxay ahayd dhismihii labadaas Dawlad Goboleed kama soo dhismin gunta ee kor ayaa lagaga keenay xilligii Madaxweyne Xassan Sheikh. Sidaas darteed dadka dhulkaas ka soo jeeda weli kama ay daadigin nadaamkaan dawliga ah inay iyagu leeyihiin qofkii anfacayana ay tahay inay iyagu doortaan intii qof samada lagaga keeni lahaa. Taas ayaana keentay inay hantiilayaasha iyo siyaasiyiinta Xamar dhegaha ka faruustaan baroorta ka soo yeeraysay Galmudug iyo Hirshabeelle, markuu farmaajo waday kala-hufka iyo kala-haadinta, waxayna u arkayeen meel durugsan.

Diiradooda siyaasaduna ma aanay qaban ilaa ay Xamar soo galeen iyaga oo gacanta ugu jira ninkii soo barbaariyey – Mudane Farmajo. Waxaa xaqiiq ah haddii siyaasiyiinta iyo ganacsatada reer Mogadishu ay ka warhayn lahaayeen horumarinta degaanka ay dadkani matalayeen ayna waqti iyo hanti ku bixin lahaayeen musharaxiinta in maanta waxa ku dhacay siyaasiyiintaas aanay ku dhaceen.

Raq walba waa ku rageed.

Waxaa qoray Omar Mohamud Farah (Omar Dhollawa) oo siyaasada Somalia ka faallooda.