Ciidamo katirsan Booliska AMISOM oo soo gaaray Muqdisho

Cutub ka kooban 144 sarkaal oo boolis ah oo ka socda dalka Nigeria ayaa yimid Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) muddo hal sano ah, muddadaas oo ay la-talin iyo taageero hawlgalba siin doonaan ciidanka booliska Soomaaliyeed .

Saraakiishan booliska ka tirsan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho iyagoo ka soo duulay caasimada dalka Nigeria ee Abuja waxaa baaritaan caafimaad ay ku sameeyeen saraakiisha wasaarada caafimaadka ee Soomaaliya , kaas oo ku saabsan Cudurka COVID-19, ka hor inta aysan warbixin siinin saraakiisha booliska AMISOM.

Isuduwaha Howgalka Booliska AMISOM, Kuxigeenka Taliyaha Booliska (DCP), Daniel Ali Gwambal ayaa sheegay in 30 sarkaal oo bilays ah la geyn doono magaalada Beledweyne ee dowlad goboleedka Hirshabelle, halka inta soo hartayna ay ka shaqeyn doonaan caasimada Soomaliya ee Muqdisho.

Shaqooyinka ay qaban doonaan ayaa waxaa ka mid ah, saraakiishan inay ka shaqeyn doonaan adeegyada ilaalinta, tababbarka iyo ka caawinta ciidanka booliiska Soomaaliyeed maaraynta kala dambeynta bulshada, sameynta roondooyin wadajir ah oo ay la sameynayaan dhiggooda Soomaaliya iyo sugidda goobaha muhiimka ah ee dowladda iyo munaasabadaha heerka sare.

“Waxay halkan u yimaadeen inay fuliyaan waajibaadka AMISOM ee ku saabsan taageerada hawlgalka ee Soomaalida  isla mar ahaantaana ay talo siiyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed. Waxaa jira waajibaadyo cayiman oo gaar ah oo waliba waajib ku ah inay qabtaan inta ay halkan joogaan sida kormeer joogto ah oo ka dhaca isbaarooyinka, waajibaadka ilaalada iyo waajibaadka kale ee ku lugta leh guu

Taliyaha qaybta cusub ee la keenay, Kormeeraha guud ee bilayska Samuel Ita, ayaa sheegay in saraakiishiisu ay aad u danaynayaan inay bilaabaan gudashada waajibaadkooda, si ay gacan uga geystaan ​​horumarinta waajibaadka howlgalka.

Waxaan u nimid inaan doorkeena ka ciyaarno soo celinta nabad waarta oo ka dhalata halkan Soomaaliya. Waxaan ku tala jirnaa inaan tababaro oo aan la talinno booliska Soomaaliyeed si loo hubiyo inay la jaan qaadayaan heerarka caalamiga ah, ”ayuu yiri SP Ita.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan howlgalka Midowga  Afrika ee AMISOM, kuwaas oo ka socda dalalka Afrika qaarkood, waxaana Ciidamada dowladda ay ka caawiyaan la dagaalanka Al-Shabaab.